Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa ugu Baaqay Dhalinyarada ka bar-bar Dagaalanta Xarakada Al-shabaab inay isku soo Dhiibaan Maamulka oo uu Sheegay Cafis Sharuuc la’aan ah uu Siinayo Ruuxii ka tanaasula ka Mid ahaanshaha Al-shabaab.
“Waxaan leenahay Dhalinyarow ka soo noqda shabaab meesha ayada ah meel ay wax jiraan ma ahan, meel ay wax ka imaanayaan ma ahan, waxaad la safan tihiin waa dad Danbiilayaal ah oo Raba in Dadkiina ay ku dhex dhuumaalaystaan, oo sidaas dalkiinu uu u bur-bursanaado ka soo noqda Al-shabaab, Cafisbaan idiin fidinayaa hadii aad isi soo dhiibtaan” ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan.
Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa dagaal xoogan kula jira Xarakada Al-shabaab oo wali ku sugan deegaano ka Tirsan Gobolada Koonfur Galbeed waxaa horey u jirey dhalinyaro ka Tirsan Al-shabaab oo isku dhiibay Maamulka.

