Madaxweynihii Hore Galmudug oo Sheegay in Go’aankii Puntland ay Soo Saartay uu Yahay Mid aan Lagu Sugi Karin Amniga

0

Madaxweynihii Hore Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo Waraysi Gaar ah Siiyey Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Mid aan Wax tar laheen ku Tilmaamay Go’aanka Maamulka Puntland uu ku Mamnuucay Gaadiidkii  Badeecadaha iyo Xoolaha u kala Gudbinayay Gobalada Koonfurta, bartamaha Soomaliya iyo Puntland kaasi oo uu dhawaan soo saaray Madaxweyne ku Xigeenka Puntland Eng-C/xakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey.

Kornel Caalin ayaa Sheegay in Go’aanka Maamulka Puntland uu ku Joojiyay isku Socodka Gaadiidka uu yahay Mid Horseedi kara Amaanka Deeganada Puntland in uu Gacanta ka sii baxo iyo in Xaduudaha ka la Xirtaan labada Maamul ee Dariska ah ee Galmudug iyo Puntland kaasi oo keeni kara Xiisad Dagaal ay Dib uga soo cusboonaato Magaalada Gaalkacyo oo maalmihii danbe SansanColaadeed ay ka jirtay.

“in la Joojiyo Gaadiidka ka imaanayay  Gobalada Koonfurta, iyo bartamaha dhulka Soomaliya Soomaaliya, Puntland Amaan kuma Sugi kartee Ayagaa ku Dhib qaba waxaana Xigi Doona in Maamul Walba Xaduudiisa Xirto” ayuu yiri  Madaxweynihi Hore Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here