Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed ayaa caawa afaafka hore Iskuulka Xaawo Taako ee Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir ku qabtay gaari noociisa uu ahaa kaarib oo ay saarnaayeen waxyaabah qarxa.
Sidoo kale Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka soomaliyeed , ayaa waxay xireen wadooyinka soo gala goobtii looga tagey gaarigaasi, iyadoona ay ka soo dejiyeen fuusto laga soo buuxiyay walxaha qarxa, iyo alaabo kale.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane, oo shir jaraa’id ku qabtay afaafka hore Iskuulka Xaawo Taako ee Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ku guuleysteen kala fur furidda qaraxaasi.








