Inta la xaqiijiyay saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowlada Somaliya way ku dhinteen halka shan kale oo isugu jira askar iyo shacab ay ku dhaawacmeen kadib markii galabta uu qarax miino uu ka dhacay maqaayad ku taala degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo.
Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in la qarxiyay xili ay maqaayada ku sugnaayeen ciidamo ka Tirsan kuwa Dowlada soomaliya iyo dad shacab ahaa oo goobta ku shaaheenayay.
Qaraxa ka dib waxaa la maqlay rasaas xoogan, waxaana rag hubeysan ay toogasho ku dileen askari ka tirsanaa ilaalada Wasiirka arrimaha Gudaha maamulka Juballand oo ku soo baxay qaraxa.
Xaalada ayaa saacado kadib kusoo laabatay si caadi ah waxaa goobta laga qaaday askartii ku dhimatay iyo kuwii ku dhaawacmay miinada.

