Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa maanta gaaray Magaalada Baraawe oo ah Caasimada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.
Waxaa ku wehlinayay Socdaalkiisa Magaalada Baraawe ee Caasimada Koonfur Galbeed Soomaliya Wasiiro, Xildhibaano ka Tirsan Maamulka iyo Mas’uuliyiin kale.
Amaanka Magaalada Baraawe ayaa si weyn loo adkeeyay waxaa Magaalada lagu arkayay ciidamo ka Tirsan kuwa Koonfur Galbeed Soomaliya AMISOM oo si weyn u xaqiijinayay amaanka.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa xariga ka jaray xarunta Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed ee dhowaan laga dhisay Baraawe.







