Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Xariga Ka Jaray Xarunta Madaxtooyada Koofur Galbeed ee Magaalada Baraawe+Sawirro

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa maanta gaaray Magaalada Baraawe oo ah Caasimada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.

Waxaa ku wehlinayay  Socdaalkiisa Magaalada Baraawe  ee Caasimada Koonfur Galbeed Soomaliya  Wasiiro, Xildhibaano ka Tirsan Maamulka iyo Mas’uuliyiin kale.

Amaanka Magaalada Baraawe ayaa si weyn loo adkeeyay waxaa Magaalada lagu arkayay ciidamo ka Tirsan kuwa Koonfur Galbeed Soomaliya AMISOM oo si weyn u xaqiijinayay amaanka.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa xariga ka jaray xarunta Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed ee dhowaan laga dhisay Baraawe.

 bara1 bara2 bara3 bara4 bara5 bara6

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here