Wasiirka amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane c/risaaq Cumar Maxamed ayaa kulamo la qaatay Guddiga Suggida ammaanka Doorashooyinka ee dalka.
Guddigaan uu dhawaan magacaabay Raisulwasaaraha Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke waxaa Gudoomiye u ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed Maxamed Shiikh Xasan Xaamud shaqadooda ayaa ah Sugida amniga goobaha Doorashada ay ka dhacayso.
Wasiirka iyo Mas’uuliyiintii kulanka ka qeyb galay ayaa kawada hadlay sida ugu haboon ee laamaha ammaanka ay uga wada shaqeyn karaan suggida ammaanka goobaha Doorashooyinka iyo Xubnah Ergada Amnigooda.
“Muhiimada waxaa waaye, hadii aad ku guuleysataan in amniga la sugo mudada doorashada waan guuleysanaynaa, hadii aan ku guuleysan weyno amniga Doorashada waxa ay yeelanaysaa Dal daloolo oo in lagu guuleysto lagama yaabo, amniga yuusan noqonin kaliya goobaha in la suggo, guddiyada shaqeynaayo, ergooyinka iyo Musharaxiinta Xildhibaanada isku sharaxeysa in amnigooda laga shaqeeyo, intaasi oo dhan waa shaqada Guddigaan.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed.
Dowlada Soomaliya ayaa isku diyaarinaysa sanadkaan 2016-ka Gudihiisa in dalka ay ka dhacdo Doorashada dadban waxaa jiro dhaliilo loo jeedinaayo dowlada oo ku aadan in aysan diyaar u aheyn sugida amniga goobaha Doorashooyinka iyo Ergooyinka Xildhibaanada soo xulaya.

