Haweeney La Sheegay in ay La Shaqeyso Xarakada Al-shabaab oo Lagu Qabtay Degmada Hodan

0

Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed ayaa Magaalada Muqdisho kusoo bandhigay Haweeney la sheegay ay  la shaqeyso Xarakada Al-shabaab.

Haweeneydaan ayaa lagu qabtay Isgoyska Black Sea, ee degmada Hodan  xilli Boorsada nooca Laptobyada lagu qaato ku waday Qori noociisa uu yahay Ak-47 ah oo la soo fur furay.

Gabadhaan ciidamada ay ku qabteen hubka, ayaa magaceeda waxa ay ku sheegtay Sumaya Maxamed Geedi, degan Xaafada Tokyo ee Suuq Bacaad, da’deedana waxa ay ku sheegtay 28 sano jir.

Sumaya Maxamed Geedi  Hubka ay waday ayaa waxa ay sheegtay inuu u soo dhiibay nin ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo haasaawe uu kala dhaxeeyo ninkaasi oo lagu magacaabo C/raxmaan, waxayna Tilmaamay in boorsado uu usoo dhiibay islamarkaana uu u sheegay in ay u geyso ruux kale oo ka Tirsan Xarakada Al-shabaab.

Laamaha amaanka Dowlada Soomaliya ayaa baaritaano ku haya Haweeneydaan.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here