Xildhibaan Dalxa Mas’uuliyada Daro ku Tilmaamay in La Lunsado Lacagii Lagu Bixin Lahaa Mushaaraadka Shaqaalaha Dowlada

0

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah Gudoomiye ku Xigeenka Guddiga Arimaha Dibada ee Baarlamaanka Soomaaliya oo hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay in Lacagta lagala Baxay Bank-ga Dhexe ee Soomaaliya ay Horseedi karto in la Waayo Taageerada Dhaqaale ee beesha Caalamka ku Bixiso Hergalinta Doorashooyinka Dalka.

Xildhibaan Dalxa ayaa Mas’uuliyada Daro Fool Xun ku Tilmaamay in la lunsado lacagii lagu Bixin lahaa Mushaaraadka Shaqaalaha Ha’yadaha Dowlada oo ay ugu Horeeyaan Ciidamada Qalabka Sida oo uu Sheegay in ay mudnaayeen in Ahmiyada la siiyo Ilaalinta Xaquuqda ay leeyihiin xili Dalku uu Wajahayo Marxalad Xasaasi ah oo u baahan in Xil Culus la iska saaro ka Gudbideeda.

Hadalka Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah Gudoomiye ku Xigeenka Guddiga Arimaha Dibada ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kusoo beegamaya xili Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane Bashiir Ciise Cali,  oo la hadlay warbaahinta uu  sheegay in qasnada Bankiga Dhexe lagala baxay lacag dhan Shan boqol iyo Soddon Kun oo Doollarka Maraykanka ah, $ 530,000. Taasi oo lagu eedeeyay in uu la baxay nin magaciisa lagu sheegay Muxiyadiin Maxamed Xasan  (Muxiyadiin Santooni) oo kamid ahaa khasnajiyaasha Bankiga  Dhexe ee soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here