Qaramada Midoobe oo ku Eedeysay Dowlada Kenya in Cadaadis ay ku Hayso Qaxootiga Somaliyeed

0

Hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan Qaxootiga UNHCR ayaa sheegtay in Ciidamada Ammaanka dawlada Kenya ay hanjabaad iyo Cadaadis joogto ah ku hayaan dadka Somaliyeed ee Qaxootiga ku ah Wadankaas

Ku dhowaad rubac qarni ayaa dalka Kenya xereda  Dhadhaab  iyo meelo kale waxaa ku noolaa qoxooti aad u badan oo Somaliyeed kuwaas oo ka cararay dagaalada ka socda Somaliya in ka badan 25 sano,Waxaana ay hay’addu sheegtay in ay sii kordhayaan dhibaatooyinka iyo xad gudubyada ay Booliska Kenya ku hayaan Qaxootiga Somaliyeed.

Laanta Qaxootiga ee Qaramada Midoobe ayaa tilmaantay in ay ka walwalsantahay dad gaaraya 326,611 qof  oo ah Qaxooti ku nool Dhadhaab islamarkaana isku diiwaangeliyay in ay dib ugu laabtaan Somaliya in ay ku kaliftay cabsi ay ka qabaan Ciidamada ammaanka dowlada Kenya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here