Dowlada Sacuudiga ayaa sheegtay in Soomaliya ay ka caawin doonto la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada kadib weerarkii dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay ku qaadeen habeenkii jimcaha maqaayad ku taala Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho oo lagu Magacaabo Banaadir Beach.
War kasoo baxay Dowlada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Sacuudiga aad ugu xun yahay weerarkii ugu dambeeyay ee Gudaha Magaalada Muqdisho ka dhacay islamarkaana ay garab taagan yihiin walaalahooda Soomaliyeed iyo Dowladooda.
Wakaalada wararka Spa ee wararka u baahisa dowlada Sacuudiga ayaa lagu daabacay in Dowlada Sacuudiga ay aad kaga xun tahay weerarkii Habeenkii Jimcaha aynu soo dhaafnay ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya iyagoo u rajeeyay Caafimaad iyo bogsiimo dadkii ku dhaawacmay Weerarkaas.
Mas’uuliyada weerarkii lagu qaaday Maqaayada Banaadir Beach ee Xeebta Liido waxaa sheegtay Al-shabaab inta la xaqiijiyay 9-ruux ayaa ku dhimatay.

