Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry oo Sacuudiga kula Kulmay Dhigiisa Adel al-Jubeir

0

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry oo booqasho ku jooga dalka Sacuudiga Arabia ayaa sheegay in dib loo bilaabo doono wadahadaladii dalka yemen islamarkaana laga qeyb gali doono kooxda Xutiyiinta oo dagaal kula jirta dowlada dalkaas.

John Kerry Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Tilmaamay in dowlada loo dhisi doono dalka yemen in xubno laga siin doono kooxda Xutiyiinta islamarkaana Mareykanka uu arimahaas gacan weynka geysan doono.

“Habka cadaalada ah oo ugu  macquulsan in lasoo afjarto dagaalada 18-bilood ah la isku raacay wadahadalo ay ku jiraan waddamada Khaliijka Carabta iyo Qaramada Midoobay ee Saudi Arabia.”Dhiiga daadanayo ayaa muddo aad u dheer qaatay”, ayuu yiri isagoo kulan la qaatay dhigiisa Saudiga  Adel al-Jubeir oo ka dhacay magaalada Jeddah.

Dhanka kale Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry ayaa la kulmi doona wasiirka Arrimaha Dibada dalka Ruuska-ka Sergei Lavrov kulan ka dhacaya Magaalada Geneva arrimaha uu kala Hadli  doono waxaa kamid arrimaha dalka Syria.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here