Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed ayaa xalay saqdii dhexe soo afjaray weerarkii lagu qaaday Maqaayada Banaadir Beach oo ku taala xeebta liido ee Magaalada Muqdisho.
Weerarka markii lasoo afjaray Kadib waxaa halkaas tagay Mas’uuliyiin ka Tirsan dowlada soomaliya sida Gudoomomiyaha Gobolka Banaadir Shiikh Yuusf Xuseen Jicmale, Taliyaha Hay’adda Nabada Sugida iyo sirdoonka qaranka somaliyeed Jeneraal C/lahi Gaafow Maxamuud, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Col Bishaar Abshir Geeddi
Ugu Horeyntii Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Col Bishaar Abshir Geeddi oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa Xaqiijiyay in Ciidamada Sida Gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ay gudaha u galeen Maqaayadda, islamarkaana Xaqiijieen Ammaanka Goobta oo ay ka dagaalamayeen Al-Shabaab.
Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Col Bishaar Abshir Geeddi ayaa Sheegay in tirada guud ee dhimashada ay gaareyso 9 ruux oo Shan kamid ah ay yihiin dad Shacab ah, 2 Askari oo Ciidamada Ammaanka iyo 2 nin oo ah dableydii weerartay Maqaayadda Banaadir Beach, dhaawacana uu yahay 2 qof oo kaliya.
Sidoo kale Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Col Bishaar Abshir Geeddi ayaa tilmaamay in dowlada Soomaliya ay gacanta ku heyso mid kamid ah ragii gaariga u kaxeynayay kuwa weerarka soo qaaday islamarkaana la dhabiibayo.











































