Ciidamada Gaashaan oo Soo Afjaray Weerarkii Lagu Qaaday Maqaayada Banaadir Beach+Sawirro

0

Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed ayaa xalay saqdii dhexe soo afjaray weerarkii lagu qaaday Maqaayada Banaadir Beach oo ku taala xeebta liido ee Magaalada Muqdisho.

Weerarka markii lasoo afjaray Kadib waxaa halkaas tagay Mas’uuliyiin ka Tirsan dowlada soomaliya sida Gudoomomiyaha Gobolka Banaadir Shiikh Yuusf Xuseen Jicmale, Taliyaha Hay’adda Nabada Sugida iyo sirdoonka qaranka somaliyeed Jeneraal C/lahi Gaafow Maxamuud, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Col Bishaar Abshir Geeddi

Ugu Horeyntii Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Col Bishaar Abshir Geeddi oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa Xaqiijiyay in Ciidamada Sida Gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ay gudaha u galeen Maqaayadda, islamarkaana Xaqiijieen Ammaanka Goobta oo ay ka dagaalamayeen Al-Shabaab.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Col Bishaar Abshir Geeddi   ayaa Sheegay in tirada guud ee dhimashada ay gaareyso 9 ruux oo Shan kamid ah ay yihiin dad Shacab ah, 2 Askari oo Ciidamada Ammaanka iyo 2 nin oo ah dableydii weerartay Maqaayadda Banaadir Beach, dhaawacana uu yahay 2 qof oo kaliya.

Sidoo kale Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Col Bishaar Abshir Geeddi    ayaa tilmaamay in dowlada Soomaliya ay gacanta ku heyso mid kamid ah ragii gaariga u kaxeynayay kuwa weerarka soo qaaday islamarkaana  la dhabiibayo.

vlcsnap-2016-08-26-04h53m33s089 vlcsnap-2016-08-26-04h54m32s018 vlcsnap-2016-08-26-04h54m53s546 vlcsnap-2016-08-26-04h55m12s003 vlcsnap-2016-08-26-04h55m40s959 vlcsnap-2016-08-26-04h56m04s190 vlcsnap-2016-08-26-04h56m20s553 vlcsnap-2016-08-26-04h56m48s912 vlcsnap-2016-08-26-04h57m45s733 vlcsnap-2016-08-26-04h58m17s226 vlcsnap-2016-08-26-04h58m31s996 (1) vlcsnap-2016-08-26-04h58m31s996 vlcsnap-2016-08-26-04h59m17s509 vlcsnap-2016-08-26-04h59m50s958 vlcsnap-2016-08-26-05h00m18s549 vlcsnap-2016-08-26-05h00m46s595 vlcsnap-2016-08-26-05h01m52s072 vlcsnap-2016-08-26-05h02m21s179 vlcsnap-2016-08-26-05h02m46s199 vlcsnap-2016-08-26-05h03m07s646 vlcsnap-2016-08-26-05h03m25s587 vlcsnap-2016-08-26-05h04m19s450 vlcsnap-2016-08-26-05h04m44s566 vlcsnap-2016-08-26-05h05m32s642 vlcsnap-2016-08-26-05h06m04s036 vlcsnap-2016-08-26-05h06m26s520 vlcsnap-2016-08-26-05h06m49s634 vlcsnap-2016-08-26-05h07m19s314 vlcsnap-2016-08-26-05h07m48s904 vlcsnap-2016-08-26-05h08m23s919 vlcsnap-2016-08-26-05h08m54s330 vlcsnap-2016-08-26-05h09m34s018 vlcsnap-2016-08-26-05h09m50s183 vlcsnap-2016-08-26-05h10m31s385 vlcsnap-2016-08-26-05h10m57s821 vlcsnap-2016-08-26-05h11m35s188 vlcsnap-2016-08-26-05h12m55s689 vlcsnap-2016-08-26-05h15m59s181 vlcsnap-2016-08-26-05h17m40s255 vlcsnap-2016-08-26-05h18m02s834 vlcsnap-2016-08-26-05h19m35s638 vlcsnap-2016-08-26-05h20m01s520

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here