War kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamo ka Tirsan dhankooda ay caawa weerar ku qaadeen Maqaayad ku taala xeebta Liido oo lagu Magacaabo Banaadir Beach.
Xarakada Al Shabaab waxay sheegtay in weerarka lagu daah furay weerar isqarin ah kadibna ciidamo hubeysan ay gudaha ugaleen goob ay ku caweeyeen askar iyo saraakiil katirsan kuwa Dowladda Federaalka sida ay baahisay Idaacadda afka Al-shabaab ku Hadasha ee Andalus.
“Rasaas culus ayaa lasoo sheegayaa inay ka dhaceyso Gudaha Hoteelka Banaadir Beach waxayna Al-Shabaab la wareegeen qeybo ka tirsan Banaadir Beach iyagoo hadda wada toogashada dadka ku jira goobtaas” ayaa lagu daabacay website-ka Idaacadda Andalus.
Wali wax war ah kama soo bixin dhanka dowlada Soomaliya

