Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa soo saaray warqad wareegto ah taas oo lagu xusay in laga bilaabo 1/9/2016 ay joojisay Puntland gadiidkii Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka imaanayey oo toos ugu kala gudbayey guud ahaan deeganada Maamulkaas.
Afhayeenka Madaxwaynaha Puntland Mudane C/laahi Maxamed Jaamac Quraan-Jecel oo saxaafada u akhriyey warqada wareegtada ah ayaa sheegay guud ahaan gadiidka kala duwan ee u raran Puntland inay rarka ay sidaan ku dajinayaan magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug kadibna ay ku wareejiyaan gadiidka kale.


