Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane C/salaam Hadliye Cumar oo la Hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay u diyaar garooween marti gelinta shir madaxeedka uru Goboleedka IGAD oo horaanta bisha September ka dhici doona magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya.
C/salaam Hadliye Cumar Wasiirka Arrimaha Dibada Dowlada Soomaliya ayaa tilmaamay in madax ka socotay Urur Goboleedka IGAD ay yimaadeen Magaalada Muqdisho islamarkaana ay booqdeen goobta lagu qabanaayo shirka.
“Waan u diyaar garownay marti gelinta shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD, qaban qaabo ayaa ku jirnaa ee ku aadan marti galinta Shirka, Muqdisho waxaa Todobaadkii lasoo dhaafy booqasho ku yimid Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Eng. Maxbuub Macallin, waxa uu kormeer ku tagay goobta lagu qaban doono shirka, tani waxay muujinaysaa in Muqdisho ay tahay goob amaan ah oo lagu qaban karo shirar caalami ah”, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaliya C/salaam Hadliye.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo dhawaan dalka Ethopia ugu qeyb galay shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ayaa sheegay in Magalada Muqdisho lagu qaban doono bisha September.

