Madaxweyne kuxigeenka dalka Mareykanka Joe Biden iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa booqasho ku tagaya dalka turkey-ga kadib markii sanadkaan Gudihiisa uu ka dhacay afgambi dhicisoobay.
Booqashada Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Joe Biden ee dalka Turky-ga ayaa loo arkaa mid Mareykanka uu ku doonayo in uu kusoo celiyo xiriirkii uu lahaa dalkaas oo afgambigii dhacay kadib, Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan qaar kamid ah wadamada reer Galbeed uu Mareykanka ugu horeeyo uu ku eedeeyay in ay gacan ka geysteen Afgambiga dhicisoobay.
Todobaadkii aynu soo dhaafnay Madaxweynaha dalka Turky-ga Recep Tayyib Erdogan ayaa booqasho ku tagay dalka Ruushka isagoo kulamo la qaatay dhigiisa dalkaas Vladimir Vladimirovich Putin, dadka siyaasada falanqeeya ayaa ku tilmaamay kulankaas mid lagu soo celinaayo xiriirka labada dal oo xumaaday kadib markii ciidamada Cirka Turky-ga ay soo rideen Diyaarad Ruushka laga lahaa.

