Siyaasiga Cowke Xaaji C/raxmaan oo ka Mid ah Siyaasiyiinta Deegaanada Dowlada Gobaleedka Galmudug horayna u Soo Noqday Wasiirkii Awqaafta iyo Arimaha Diinta Maamulkii Galmudug ee Fadhigiisu ahaa Magaalada Gaalkacyo oo u Waramay Idaacada Simba ayaa Sheegay in loo baahan yahay Quburo ku Xeel dheer Dhanka Amniga Iskaashi wada Shaqeyneed la yeelanka kara in loo Xilsaaro Sugida Amaanka Odayaasha Soo Xulaya Xildhibaanada Heer Maamul Gobaleed ee Galmudug.
Cowke Xaaji ayaa Tilmaamay in Al-shabaab ay Halis dhanka Amaanka ah ay ku yihiin Gobalada Dhexe ee uu ka Arimiyo Maamulka Galmudug Sidaas Darteed ayuu u Soo jeediyey Madaxda Maamulka Galmudug aysan Fududeysan Adkaynta Goobaha Doorashooyinku ay ka dhacyso iyo Odayaasha Dhaqanka ee Looga Fadhiyo inay soo Xulaan Xildhibaanadii Galmudug ku matali lahaa labada Aqal ee Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya ay yeelanayso Dabayaaqada Sanadkaan.
Siyaasiga Cowke Xaaji ayaa ugu danbayntii Shacabka ugu baaqay inay Garab istaagaan Ciidamada Galmudug si looga hortago Halis Walba oo Dhanka Amaanka ah oo soo wajihi karta Dadka Ku Howlan Hirgalinta iyo Hagaajinta Masiirka iyo Maslaxada Umada Soomaaliyeed .

