Magaalada Hargaysa oo Lagu Xirxiray Dhalinyaro Lagu Tuhunsan Yahay in Diinta Masiixiga ay Qaateen iyo Maamulka oo ka Hadlay

0

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Cabdulaahi Axmed(Khaliil), oo Hortgay Golaha Wakiilada Maamulka Somali-land  ayaa ka hadlay warar muddooyinkan dambe soo baxayay  oo sheegaya in Ciidamada Booliska Magaalada Hargeysa ay qabteen dhallinyaro diinta ka baxday, oo qaadatay diinta Masiixiga.

“Dadka masiixoobay tuhunkaasi wuu jiraa laakiin wax ku cadaaday ilaa hadda ma jiraan, xaqna waxay u leeyihiin dadkeenu xuquuqdooda inaynu ilaano.” ayuu yiri Wasiirka oo intaas raaciyay  “Dadkaas Boolisku gacantay ku hayaan, waa dhawr dhallinyaro ah, calaamadihii kiristaanka waa laga baarayaa, warbixin ayaana laga qoray oo baaris ayaa ku socota warbaahinta ayaa la wadaagi doonaa”, ayuu yiri Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland.

Dadka ku nool Magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulka Somali-land ayaa aad u  hadal hayay maalmihii dambe dhalinyarada gacanta ku dhigeen booliska ee lagu  tuhmaayo in ay qaateen diinta Masiixiga.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here