Dr: Maxamed Abkun oo Baarlamanka Soomaliya Ugu Baaqay inay Baaritaan ku Sameeyaan Dhaqaalaha Doorashooyinka

0

Dr- Maxamed Abkun Ibraahim oo ka Mid ah Siyaasiinta Soomaaliyeed ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay inay Baaritaan Rasmi ah ay ku Sameeyaan Dhaqaalaha ay Tartanka Doorashooyinka ku galayaan dabayaaqada Sanadkaan Madaxda Dalka kaasi oo lagu ogaanayo halka laga keenayo lacagahaasi.

Dr- Abkun ayaa sheegay  in Madaxda u tartamaysa Xilalka Sare ay lacag badan ku Bixin doonaan Sidii ay Codka uga heli la haayeen Xildhibaana Cusub ee la soo Dhisayo waxaana xusay inay Suurtagal ay tahay in Ola-olaha Doorashooyinka Madaxtinimada dalka si Shacidaro ah loogu Qarash gareeyo Hantida Qaranka Soomaaliyeed Taas oo uu Sheegay Badbaadinteed uu Xil weyn ka saaranyahay Baarlamaanka hada jira iyo baarlaamanka Cusub ee Soo socda

Dr-ka  oo Sii wata Hadkiisa ayaa Tilmaamay in hadal heynta ka Dhex jirta Bulshada Soomaaliyeed ay Tahay Xubnaha Siyaasada dalka ka Dhexmuuqda oo ay ka mid yihiin Madaxda Dowlada iyo Hogaamiyaasha asagoo tusaale u soo qaatay Eraga “Dib u heshiisiin” oo Mar walba ay ku hal qabsataan Mas’uuliyiinta Dowlada iyo Dowlada Gobaleedyada dalka Ka jira Eragaas oo uu tilmaamay in si qaldan loo adeegsado islamarkaan Siyaasiyiintu ay u isticmaalaan inay kalsooni Bulshada uga Dhexraad sadaan oo kaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here