Madaxweynaha dalka kenya Uhuru Kenyatta oo shalay la Kulmay Xoghayaha wasaaradda arrimaha Dibada ee dowlada Mareykanka John Kerry ayaa u sheegay in dowladaha bariga afrika ay kenya ugu horeyso ay ciidamadeeda kala bixi doonto Gudaha Soomaliya sanadka 2018-ka.
War qoraal ah oo laga soo saaray xarunta madaxtooyada dalka Kenya ayaa madaxweyne Kenyatta waxaa uu ku sheegay in Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa midowga Afrika AMISOM ee ka kala socda dalalka Brundi, Ethopia, Uganda, Jabuuti ay guulo ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Xarakadala al-shabaab oo wali ku sugan qeybo kamid ah Gobolada dalka Soomaliya.
Sidoo kale warka kasoo baxay xarunta Madaxtooyada dalka Kenya ayaa lagu sheegay in la qalabeyn doono mudda ka harsan Howlgalka Midowga Afrika ee Amisom Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed si ay ula wareegeen goobaha ay ka bixi doonaa Amisom.
Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya mudane C/salaam Hadliye Cumar oo la kulmay dhigiisa dalka Mareykanka ayaa waxaa uu sheegay in arimaha ugu waa weynaa oo ay ka wada hadleen ay kamid aheyd xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo arimaha doorashooyinka ee Soomaaliya lagu wado in ay ka qabsoonto bisha soo socota ee October.
Tan iyo Markii Midowga Yurub uu ku dhawaaqay in uu jari doono 20% dhaqaalaha lagu bixi Howlgalka Amisom waxaa jirey Dowlado arintaas ku hor yimid sheegayna in ay ciidamadooda kala bixi doonaan Gudaha Soomaliya.

