Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta  oo Sheegay in Ciidamada Amisom ay Soomaliya ka Bixi Doonaan Sanadka 2018-ka

0

Madaxweynaha dalka kenya Uhuru Kenyatta  oo shalay la Kulmay Xoghayaha wasaaradda arrimaha Dibada ee dowlada Mareykanka John Kerry ayaa u  sheegay in dowladaha  bariga afrika ay kenya ugu horeyso ay ciidamadeeda kala bixi doonto Gudaha Soomaliya sanadka 2018-ka.

War qoraal ah oo laga soo saaray xarunta madaxtooyada dalka Kenya ayaa madaxweyne Kenyatta waxaa uu ku sheegay in Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa midowga Afrika  AMISOM  ee ka kala socda dalalka Brundi, Ethopia, Uganda, Jabuuti  ay guulo ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Xarakadala al-shabaab  oo wali ku sugan qeybo kamid ah Gobolada dalka Soomaliya.

Sidoo kale warka  kasoo baxay xarunta Madaxtooyada dalka Kenya  ayaa lagu sheegay in la qalabeyn doono mudda ka harsan Howlgalka Midowga Afrika ee Amisom Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed si ay ula wareegeen goobaha ay ka bixi doonaa Amisom.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya mudane C/salaam Hadliye Cumar oo la kulmay dhigiisa dalka Mareykanka ayaa waxaa uu sheegay in arimaha ugu waa weynaa oo ay ka wada hadleen ay kamid aheyd xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo arimaha doorashooyinka ee Soomaaliya lagu wado in ay ka qabsoonto bisha soo socota ee October.

Tan iyo Markii Midowga Yurub uu ku dhawaaqay in uu jari doono 20% dhaqaalaha lagu bixi Howlgalka Amisom waxaa jirey Dowlado arintaas ku hor yimid sheegayna in ay ciidamadooda kala bixi doonaan Gudaha Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here