Maamulka Degmada Bardaale oo Gobalka Baay ayaa Faah-faahinka Bixiyey Qaabka ay Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Maamulka Koonfur Galbeed ugu Suugto gashay inay la Wareegaan deegaano Dhowr ah oo Hoostaga Degmadaasi oo muddo ay Maamulayeen Dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab.
Gudoomiyaha Degmada Bardaale ee Gobalka Baay Weydoow Cali Xasan oo la hadlayey Idaacada Simba ayaa Sheegay in 24-kii Saacadood ee ugu dambeeyey ay Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay la wareegeen Tuulooyin Dhowr ah oo Dhaca inta Dhexeysa Degmooyinka Bardaale iyo Qansaxdheere oo ka wada tirsan Gobalka Baay ayagoo aan la kulmin Wax iska Caabin ah oo ay kala Kulmeen Al-shabaabkii Maamulayey Deegaanadaasi.
Gudoomiye Weydoow ayaa Xusay in Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Maamulka Koonfur Galbeed aysan ka Bixi Doonin Deegaanada ay ka la Wareegeen Al-shabaab Gobalka Baayo kuwaasi oo uu Tilmaamay inay Ahmiyad Weyn u leeyihiin Maamul Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Dagaal Dhinacyo badan ku la jira Al-shabaab.
Weydoow Cali oo Sii hadlayey ayaa Sheegay in Howgalka ay Ciidamadu ay kula Wareegeen Deegaanada ka Tirsan Gobalka Baay ay Bilow u Yihiin Qorshaha Dagaal ee Maamulka Koonfur Galbeed uu Al-shabaab kaga Saarayo Deeganada ay kaga Sugan yihiin Gobalkaasi waxuuna Carabaabay inayaKalsooni Badan ku qabaan Ciidamada ku Wajahan Deegaanada ka maqan Ganacta Koonfur Galbeed.

