Dhageyso:-Wabiga Shabeelle oo Fatahaad ka Sameeyay Xaafado Hoos Yimaada Dagmada Mahadaay

0

Maamulka Degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa ka hadlay Fatahaad Qasaaro geysatay oo Wabiga Shabeelle uu ku Sameeyey Qeybo ka mid ah  Degmada taasi oo Dhalisay qasaaro Hantiyadeed iyo Barakac Boqolaal Qoys oo Daganaa Xaafadaha ka ak Dhow Wabiga Shabeella.

Gudoomiyaha  Degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeelaha Dhexe Axmed Xuseen Afrax oo la hadlay Radio Simba ayaa Sheegay in Fatahaad Sababtay Qasaaro Haniyadeed uu Wabiga Shabelle  ka Sameeyey Xaafada Kacaanka ee Degmada Mahadaay waxaana Xusay in guud ahaan laga Barakac Xaafadaha ku Xeeran Wabiga Cabsi laga Qabo Fatahaad hor leh oo Wabigu uu ka Geysto Degmadaasi

Axmed Xuseen  Gudoomiyaha Degmada Mahadaay ayaa Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Ha’yadaha Samafalka Waxa uu ugu Baaqay in Gargaar Deg deg ah la gaarsiiyo Dadka Degmada Mahadaay oo uu sheegay in Hada ay Soo Foodsaaratay XaaladaAdag oo dhanka Noloosha ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here