Michael Ballack oo Guulo u Rajeeyay Macalinka kooxda Manchester City Pep Guardiola

0

Laacibkii Hore ee kooxaha Chelsea, Beyer Munich iyo xulka dalka Germany Michael Ballack ayaa aaminsan in Macalinka kooxda Manchester City Pep Guardiola uu ku guuleysan doono shaqadiisa Ingiriiska balse uu u baahan yahay Waqti badan.

Guardiola ayaa bandhig wanaagsan la bilaabay kooxda uu Hogaamiyo ee Manchester City Kadib markii  uu Guuleysaty labo kulan oo Horyaalka ingiriiska  ah 2:1 ay kaga guuleysatay  kooxdaSunderland, 4:1 ay kaga guuleysatay kooxda Stoke City, iyo 5:0 ay kaga Guuleysteen kooxda Steaua Bucharest isreebreebka Champions league.

Laacibkii Hore ee xulka dalka Germany ayaa u rajeeyay Macalinka kooxda Manchester City Pep Guardiola In uu koobab kula Guuleysto kooxda  Manchester  City sida uu koobab ula qaaday kooxaha Beyer Munich iyo Barcelona.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here