Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug dhanka Puntland ayaa ku waramaya in halkaas uu haatan ka socdo Howlgal ay sameenayaan ciidamada amaanka Puntland.
Tan iyo markii ay weerarada qaraxyada ka dhaceen Magaaalada Gaalkacyo Maalintii shalay aheyd xalay ilaa saakay waxaa magaalada laga dareemayay Howlgalada ay wadaan ciidamada Puntland, iyadoo sidoo uu xalay magaaladaas ka dhaqan galay Bandow la saaray.
Dhanka kale Inta badan ganacsigii magaalada Gaalkacyo ayaa saakay weli hakad ku jira, waxaana qaraxyadii shalay ay saameen ku yeesheen suuqyo ganacsi oo magaaladaasi ku yaallay.
Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Puntland Cabdi Wali Gaas oo safar ugu maqan dalka Itoobiya ayaa la filayaa inuu gaaro Magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo iminkaba ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Puntland.

