Madaxweynaha Jubba-land iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo Warbaahinta kula Hadlay Kismaayo+Sawirro

0

Madaxweynaha Jubbalanad iyo Wakiilka Qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa saaka Isniin 22-08-2016 si wadajir ah Saxaafada ugula hadlay Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo.

Michael Keating Wakiilka Qaramada Midoobay oo shalay  gaaray Magaalada Kismaayo waxaa uu xalay ku hoyday Aqalka Martida waxaana uu xusay in uu la dhacay Hormarka mudada kooban ee Jubbaland ay jirto ka hirgalay Magaalada kismaayo.

“Iyadoo Afar Sano oo kaliyah ay Al.shabaab ka Xoraysan tahay Magaalada Kismaayo Jubbalan-na ay jirto Afar Sano oo kaliyah waxaa muuqda Hormar filan waa ah oo dhinacyada Nabadgalyada Maamulka suuban iyo dib u dhiska ah” ayuu yiri Michael Keating

Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ayuu xusay in ay kaalmo la garab taagan yihiin waxaana uu xusay in Dhinacyada Soomaalidu ay ku daydaan Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dhankiisa sheegay in mudada uu halkan joogay Michael Keating ay kawada hadleen arrimo badan oo dhinaca amaanka ay si gaar ah diirada u saareen waxaana uu u rajeeyay Soomaaliya Nabad iyo Homar isagoo xusay in ay muhiim tahay in la iska kaashado Nabadgalyada si guud isla markana loo midoobo la dagaalanka Al.shabaab.

 

14124439_716253698515534_5510724062448513042_o GGGGGG GGGGGGGGGGGGGGGGGGGGGGGGGGGGGGG

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here