Qilaaf  Siyaasadeed oo Soo kala Dhexgalay Xasan Shiikh Maxamuud iyo C/kariin Xuseen Guuleed Ogow Sababta

0

Qilaaf xoogan ayaa soo kala dhexgalay Madaxweynaha Soomaliya Mudane xasan Shiikh Maxamuud iyo Hogaamiyaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo kamid ah  shaqsiyaadka ku dhow dhowaa Xasan Shiikh.

Qilaafka ayaa la sheegay in uu Salka ku hayo  Labo Xubnood  dheeri ah oo loogu daray   Maamulka Puntland taasina ay ka careysiisay Hogaamiyaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo markii qodobaadaas la saxiixayay Xaalad Caafimaad ugu maqnaa dalka Dibadiisa.

Sidoo kale Hogaamiyaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa la sheegay in uu ka xumaaday sida maamulkiisa loo doodsiiyay lacago la sheegay in loogu talagalay Hogaamiyaayasha Maamulka Goboleedyada dalka ka jira xiligii lacagaha la kala qorshanayay waxaa qaliin lagula sameynayay isbitaal ku yaala dalka Hindiya.

Madaxweynaha Galmudug oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa kasoo dagay Garoonka Muqdisho ee aadan Cadde Soo dhaweyntiisa waxaa qeyb galay mas’uuliyiin ka Tirsan dowlada Federaalka soomaliya iyo madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka Jira.

Intaas kadib kulamo ayuu kula qaatay Xarunta Madaxtooyada Soomaliya Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud kuwaasi oo diirada lagu saaray in C/kariin Xuseen Guuleed uu isaga dago xilka Madaxweynaha Maamulka Galmudug madaama uu xanuunsanaayo.

Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo ka xumaa sida maamulkiisa loogu jaray xubin islamarkaana loogu daray Puntland, iyo in la doodsiiyo lacagihii loogu talagay Maamul Goboleedyada ayaa kasii xumaaday in lagu qanciyo in uu iskaga dago Xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug  oo Muddo haatan gaareysa 1-sano bilooyin uu hayo.

Hogaamiyaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si deg deg ah maalin kadib dib ugu laabtay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug wuxuuna si cad ugu soo hojeystay qodobadii kasoo baxay shirkii Madasha wadatashiga qaranka isagoo sheegay in Galmudug aysan aqbali doonin in la doodsiiyo waxyaabaha ay xaqa u leedahay.

Qorshaha kale uu damacsan yahay C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ah in muddo bilooyin uu wareejiyo xilka Madaxweynaha iyadoo uu xilkaas uu sii heyn doono sida qorshihiisa uu yahay wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federeaalka  Soomaliya Mudane C/raxman Maxamed Xuseen Odawaa, oo haatan howlo shaqo ku jooga deeganada Galmudug.

Ujeedka Safarkii Magaalada Kampala  ee Caasimada dalka Uganda.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa safar ku tagay Magaalada Kampala ee dalka Uganda labo arin ayaa la sheegay in uu u tagay Magaalada Kampala oo kala ah 1-xaalada Caafimaad 2- iyo heshiis Dhexmaray isaga iyo Madaxweynihii Hore ee dowladii Kmg-ga aheyd Mudane Shiikh Shariif Shiikh axmed oo Mudooyinkii dambe ku sugnaa halkaas, isagoo sidoo kale ah Musharax u Taagan qabashada xilka Madaxweynaha.

Kulanka Dhexmaray Labada Mas’uul ayaa la sheegay in uu ahaa mid xasaasi ah wuxuu Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed uu u balan qaaday mudane Shiikh Shariif in uu ku Taageeri doono Olaha Doorashada Soomaliya isagoo sidoo kale beesha uu kasoo jeedo ku qancin doona in ay Taageeraan isaga.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaliya Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa wadda qorshe ku aadan kulamo uu la qaadanayo beesha uu kasoo jeedo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed si loo heshiisiiyo.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here