Halyeey Pele oo Hambalyo u Direy Xulka Dalka Brazil oo ku Guuleystay Ciyaaraha Olympic-da Raga

0

Ciyaaryahankii Hore ee xulka dalka Brazil Pele ayaa hambalyo u direy xulkaas kadib markii ay xalay ku guuleysteen koobka  Olympic-da Raga Taariikhda markii ugu horeysay.

Xulka dalka Brazil ayaa 1-1 la galay labadii qeyb ee ciyaarta xulka dalka Germany waqti dheeri ah oo lagu daray ayay sidoo kale waxba iska dhalin waayeen 5:4 waxaa ku guuleystay xulka dalka Brazil waxaa goolka guusha u dhaliyay oo Rigoore ahaa  laacibka kooxda Barcelona Neymar.

Pele oo xulka dalka Brazil  koobab dhowr ah kula guuleystay ayaa marnaba la qaadin koobka Olympic-da Raga.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here