Ciyaaryahankii Hore ee xulka dalka Brazil Pele ayaa hambalyo u direy xulkaas kadib markii ay xalay ku guuleysteen koobka Olympic-da Raga Taariikhda markii ugu horeysay.
Xulka dalka Brazil ayaa 1-1 la galay labadii qeyb ee ciyaarta xulka dalka Germany waqti dheeri ah oo lagu daray ayay sidoo kale waxba iska dhalin waayeen 5:4 waxaa ku guuleystay xulka dalka Brazil waxaa goolka guusha u dhaliyay oo Rigoore ahaa laacibka kooxda Barcelona Neymar.
Pele oo xulka dalka Brazil koobab dhowr ah kula guuleystay ayaa marnaba la qaadin koobka Olympic-da Raga.

