Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in Laba qarax oo loo malaynayo inay yihiin ismiidaamin ay ka dhaceen meel aan ka fogeen Xarunta dawladda hoose ee magaalada Gaalkacyo.
Qaraxyadaan waxay ka dhaceen Suuqa Dayax ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug halkaasi oo ay ku taalo Xarunta Dowladda hoose ee Maamulka Puntland.
Wararka qaar waxa ay sheegayaan in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay in halkaasi lagu qarxiyay, waxaana ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh inkastoo aan si dhab ah aan loo ogeyn qasaaraha rasmiga ah.
Wixii kusoo kordha kala soco Simbanews.com

