Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka soomaliya Dr Nuur Faarax jimcaale oo la hadlay Tv-ga Horn Cable ayaa Sharci Daro Ku Tilmaamay Amarka Qaadashada Kaarka Aqoonsiga Dowlada Hoose.
Dr Nuur Faarax jimcaale Hanti Dhowraha Qaranka Soomaliya ayaa sheegay in wadada loo maraayo qaadashada kaarka aqoonsiga Dowlada Hoose ay tahay mid qaldan islamarkaana aan loo baahneen in shacabka Soomaliyeed si qasab ah loogu qaado lacagaha si ay u qaataan kaarka aqoonsiga Dowlada Hoose.
“Anaga ka Hanti Dhowro ahaan arintaas waa qalad Saxna ma ahan sababtoo ah Xiligii dowladii Dhexe ee Soomaliya waaa jiri jirey kaar la oran jirey Card Nationality kaas ayaa la weydin jirey qof walba oo soomaliya , ID-ga hada dadka lagu qasbaayo ma ahan mid socon kara maxaa yeelay lama ogaan karo qofka sida rasmiga meesha uu ugu dhashay”, ayuu yiri Hanti Dhowraha Qaranka soomaliyeed Dr Nuur Faarax jimcaale.
Sidoo kale Hanti Dhowraha Qaranka soomaliyeed Dr Nuur Faarax jimcaale ayaa tilmaamay in Xafiiska Hanti Dhowraha uu hada ka hor arintaan ka Hor istaagay Maamuladii ka horeeyay maamulka Gobolka Banaadir ayna arintaas ka yeeelin.
Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Hay’adda Nabad sugida Somaliya ayaa dhawaan shacabka Muqdisho ku amray iney qaataan kaarka aqoonsiga ee loo yaqaano (Teesaro Munishiibiyo) kaasoo qofka loo sameynayo inuu bixiyo Lacag gaareysa $17 dollar.

