Xildhibaanada Baarlamaan Federaalka Soomaliya aya maanta kulan ku yeeshay Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho iyadoo xildhibaanada ay u dabaal dageen 4-sano Guuradii kasoo wareegatay markii Xildhibaanada Haatan jira loo dhaariyay Xilka.
Kulankii maanta ayaa intiisa badan waxaa loogu hadlay waxyabhii u qabsoomay oo ay ku wareejin doonaan Barlamaanka 10aad ee ee soo socda kadib doorashooyinka soomaliya ka dhacaya sanadkaan 2016-ka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaalia Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo furitaanka kulanka maanta ka jeediyey hadal kooban ayaa cadeeyey in Barlamanaka 9aad ay sii jirayso xilhayntooda ilaa laga soo dhisayo golihii badali lahaa, sida ku cad qararkii golaha shacabka ay meel mariyen ee lagu badalay Qodobka 61aad ee Dastuurka KMG oo ka hadlaysay Muddada xil-haynta Baarlamaanka Federaalka.
Sidoo kale Guddoomiyeha barlamaanka Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Alle uga baryey in uu janadii Fardowso ka waraabiyo xildhibaanada geeriyooday iyo shaqalaha baarlamanka oo qaar badan oo ka mid ah ay dishay gacanta cadowga argagxisada Al-shabaab.
Mahad Caballa Cawad Guddoomiye ku xigenka 2aad ee Golaha shacabka Federaalka Soomaaliya ayaa Xildhinabada ka hor akhriyey waxyabhii ugu muhiimsanaa ee golaha u qabsoomay 4tii sano e ay jireen oo ay ku jirto xarunta Villa Haragysa oo leh xafiisyo kale duwan iyo hoy martida loogu talagalay in lagula shiro.
Barlamanka Federaalka Soomaaliya ee hada jira oo ah Golahii 9aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay ansixiyeen in ka badan 20 sharci oo muhiim u ah dalkeena xiligan ku jira.

