Baarlamaanka Soomaliya oo Maanta ka Dooday Waxyaabihii u Qabsoomay Afartii Sano Aynu Soo Dhaafnay

0

Xildhibaanada Baarlamaan Federaalka Soomaliya aya maanta kulan ku yeeshay Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho iyadoo xildhibaanada ay u dabaal dageen 4-sano Guuradii kasoo wareegatay markii  Xildhibaanada Haatan jira loo dhaariyay Xilka.

Kulankii maanta ayaa intiisa badan  waxaa loogu hadlay waxyabhii u qabsoomay oo  ay ku wareejin doonaan  Barlamaanka 10aad ee ee soo socda kadib doorashooyinka soomaliya ka dhacaya sanadkaan 2016-ka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaalia Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari  oo furitaanka  kulanka maanta ka jeediyey hadal kooban ayaa  cadeeyey in Barlamanaka  9aad ay sii jirayso xilhayntooda ilaa laga soo dhisayo golihii badali lahaa, sida ku cad qararkii golaha shacabka  ay meel mariyen  ee lagu badalay  Qodobka 61aad ee Dastuurka  KMG oo ka hadlaysay Muddada xil-haynta Baarlamaanka Federaalka.

Sidoo kale Guddoomiyeha barlamaanka Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa  Alle uga baryey in  uu janadii Fardowso ka waraabiyo xildhibaanada geeriyooday iyo shaqalaha  baarlamanka oo qaar badan oo ka mid ah  ay dishay gacanta cadowga argagxisada Al-shabaab.

Mahad Caballa Cawad  Guddoomiye ku xigenka 2aad ee Golaha shacabka Federaalka Soomaaliya ayaa  Xildhinabada ka hor akhriyey  waxyabhii  ugu muhiimsanaa ee golaha u qabsoomay 4tii sano e ay jireen oo ay ku jirto xarunta Villa Haragysa oo leh xafiisyo kale duwan iyo  hoy martida loogu talagalay in lagula shiro.

Barlamanka Federaalka Soomaaliya ee hada jira  oo ah Golahii 9aad ee  Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay ansixiyeen in ka badan 20 sharci oo muhiim u ah dalkeena xiligan ku jira.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here