Wararka ka imaanaya deegaanka Arbacow oo ka tirsan Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in ciidamo ka tirsan kuwa Xarakada Al-shabaab In ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Amisom ee deegaankaasi ku leeyihiin.
Weerarka ayaa la sheegay in uu ku bilowday madaafiic ay Al-shabaab ku garaaceen Saldhiga ay Ciidamada Amisom ku leeyihiin deegaanka waxaana xigay weerar toos oo dhexmaray Ciidamada Amisom iyo Ciidamada Xarakada Al-shabaab.
Dagaalkaasi oo labada dhinac hub kala duwan isku adeegsadeen ayaanan la ogeyn Khasaaraha ka dhashay ilaa hada waxaa wali jirin wax hadal ah oo kasoo baxay Labada dhinac ee Amisom iyo Xarakada Al-shabaab.
Dhanka kale warar lagu baahiyay baraha Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka Tirsan Al-shabaab ay weerar gaadmo ahaa ay ku qaadeen Ciidamo ka tirsan Amisom oo marayay meel ku dhow deegaanka Nambar Lixdan ee isku xira degmada Afgooye iyo Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

