Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa maanta waxa ay kulan ku leeyihiin xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Habdhowraha Baarlamanka Soomaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo la Hadlay idaacada simba ayaa sheegay in kulanka Baarlamaan uu maanta ku saabsan yahay dib u eegista Dastuurka, ansixinta qaraarka baarlamaanka tobonaad, iyo Gudoomiyeyaasha Baarlamaanka oo Warbxin soo jeedin doona.
“Maanta oo sabti ah Taariikhdana ay ku beegan 20-August sanadka 2016-ka waxaa jira kulanka Baarlamnaka Federaalka Soomaliya qodobada loogu hadlaayo waxa kamid ah dib u eegista Dastuurka, ansixinta qaraarka baarlamaanka tobonaad, iyo Gudoomiyeyaasha Baarlamaanka oo Warbxin soo jeedin doona, maanta sidoo kale waa 20-August waxay ku beegan Tahay sanad Guurada 4-aad ee Baarlamaanka 9-aad ee dalka uu yeeshay waxaa jiri doona Munaasabad loogu dabaaldagi doono arintaas”, ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud.
Dhanka kale Habdhowraha Baarlamanka Soomaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud ayaa la weydiiyay su’aal ku aadaneed in Baarlamaanka hada jira in uu sii shaqeyn doono iyo in kale inta laga soo doorano Baarlaman Cusub, ayuu sheegay in arintaas uu maanta ka hadli doono Gudoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari.

