Deegaanka Magarini ee Gobolka Kilifi ee dalka Kenya waxaa kusoo badanaya xiliyada Habeenkii weerarada ay Geystaan Xaywaanada Duur joogto ah.
libaax ayaa kala baxay Guri gabar 10-sano jir ah xaafada Kulesa , ee deegaanka Magarini, habeenkii talaadada aheyd kadib markii uu weerar ku qaaday hoy ku yaala xafadaas sida warbaahinta ay u sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.
Weerarka ayaa la sheegay inuu dhacay abaarahii sagaal saac oo habeenimo markii Guri deegaankaas ku yaalo uu kala baxay libaax gabadha oo lagu magacaabo Winnie Makupe “Waxaana lagu soo kacay qaylo ka dib markii libaaxa dhuumaaleysanaya uu docda ka dafay gabadha ka dibna ula cararay dhanka duurka,” sida uu sheegay gabadha awoowged Katana Karisa.
Dhanka kale Saraakiisha Adeegga Duur-joogta Kenya oo uso gurmaday raadinta gabadha in ay helaan iyada oo nool balse raja beelay marki la arkay haraaga meedka gabadha oo uu libaaxa aad u cunay meel dhawr kilometer u jirta cida.

