Xoghayaha Arrimaha Dibada Dowlada Mareykanka John Kerry oo Booqanaya Dalalka Kenya, Negeria iyo Sacuudiga

0

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Arrimaha Dibada   John Kerry uu safar ku Tagi doono usbuuca soo socda wadamada Kenya, Nigeria ,iyo Saudi Arabia waxaana la sheegay in uu kulamo la qaadan doono madax iyo saraakiil sar sare.

Afhayeen u hadlay Wasaarada arrimaha dibada ee dalka Maykanka oo lagu magacaabo John Kirby ayaa sheegay in booqashada Kerry uu ku imaanayo Kenya uu diirada ku saari doono arrimo ay ka midyihiin geedi socodka nabadda ee dalka Koofurta Sudan iyo iyo isbedelka dhinaca siyaasada Somaliya.

John Kerry ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doonaa inta uu ku sugan yahay Kenya madaxweynaha dalkaas iyo dhigiisa wasiirka Arrimaha dibada Aamino Maxamed Jibriil, islamarkaana uu kala hadli doono sidii la isaga kaashan lahaa ladagaalanka Xarakada Alshabaab iyo isbedelka Siyaasadeed ee Somaliya ay geleyso dabayaaqada sanadkaan.

Sidoo kale Xoghayaha Arrimaha Dibada   John Kerry ayaa Booqan doono dalka Negeria  isagoo la Kulmi doona Madaxweynahaas  Muhammadu Buhari  arrimaha uu kala hadlaayo waxaa kamid la dagaalanka kooxda Boko Haram.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here