Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa Guddoonka sare ee Baarlamanka ku eedeeyay in uu ka hor taagan yahay ka Doodista Hanaanka Doorashooyinka dalka.
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxda oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaliya oo la hadlay idaacada simba ayaa sheegay in Guddoonka sare uu Caqabad ku yahay in xildhibaanada ay ka doodaan natiijooyinkii kasoo baxay Hanaanka Doorashooyinka dalka.
“Guddoonka sare ee Baarlamanka soomaliya uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan jawaari ayaa hortaan in xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ay ka doodaan Hanaanka Doorashooyinka ma sameyn karo Gudoomiye Jawaari wax aysan ogeyn xildhibaanada Baarlamanka, wuxuu si qalad ah ku matalay Shirka Madasha Wadatashiga qaranka isagoo saxiixay qodobadii kasoo baxay shirka” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxda oo la hadlay idaacada simba.
Dhanka kale Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxda ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamanka soomaliya aan la horkeenin shuruucda Doorashooyinka dalka sanadkaan ka dhacaysa islamarkaana ka doodistaan qodobaadaas uu hor taagan yahay Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan jawaari .

