Gudoomiye Jawaari oo Lagu Eedeeyay in uu Xildhibaanada ka Hortaagan Yahay ka Doodiska Doorashooyinka

0

Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa Guddoonka sare ee Baarlamanka  ku eedeeyay in uu ka hor taagan yahay ka Doodista Hanaanka Doorashooyinka dalka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxda oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka  Soomaliya oo la hadlay idaacada simba ayaa sheegay in Guddoonka sare uu Caqabad ku yahay  in xildhibaanada ay ka doodaan natiijooyinkii kasoo baxay Hanaanka Doorashooyinka dalka.

“Guddoonka sare ee Baarlamanka soomaliya uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya  Maxamed Shiikh Cusmaan jawaari  ayaa hortaan in xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ay ka doodaan Hanaanka Doorashooyinka ma sameyn karo Gudoomiye Jawaari wax aysan ogeyn xildhibaanada Baarlamanka, wuxuu si qalad ah ku matalay Shirka Madasha Wadatashiga qaranka isagoo saxiixay qodobadii kasoo baxay shirka” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxda oo la hadlay idaacada simba.

Dhanka kale Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxda ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamanka soomaliya aan la horkeenin  shuruucda Doorashooyinka dalka sanadkaan ka dhacaysa islamarkaana ka doodistaan qodobaadaas uu hor taagan yahay Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan jawaari .

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here