Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka Hadlay warar maalmihii dambe la isla dhexmaraayay oo ku aadan lacagaha ka soo xarooda kaarka aqoonsiga in loo adeegsanayo doorashada dhowaan dalka ka dhaceysa.
Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wararkaas waxba kama jiraan ku tilmaamay isagoona sheegay In uusan jirin qorshe uu maamulka Gobolka Banaadir uu wado oo ku aadan in lacagta kasoo xaroota qaadashada kaarka Aqoonsiga Dowlada Hoose in loo adeegsado doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.
“Aqoonsiga Dowladda hoose iyo maxaa isku soo beegay waqtiga Doorashada? aniga ayaa ku soo beegmay waqtiga doorashada waxyaabaha aan ku fekerayay inaan qabto ayey ka mid tahay ma’ahan lacag lagu geli karo doorasho oo illaa iyo hadda waxaa laga qaatay dad gaaraya 2,500 oo ruux shaqana iskuma lahan lacagtaasina meesha ay aadeyso iyo Dowladda hoose waa la og yahay, anigana wax kasta sida ay u soo dhacaan waan cadeeyaa.” ayuu yiri duqa Magaalada Muqdisho.
Dhawaan Taliska Hay’adda Nabada Sugida iyo maamulka Gobolka Banaadir oo si wadajir ah ula Hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aan la aqbali doonin qof aan haysan kaarka aqoonsiga dowlada Hoose in uu ka shaqeeyo Xarumaha Dowlada, goobaha sida gaarka ah loo leeyahay, iyo in dalka uu ka dhoofo.

