Maamulka Jubba-land ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay duqeyn iyo weerar lagu qaaday saldhig Xarakada Al-shabaab ay ku leeyihiin Deegaanka Cabdala Biroole oo qiyaastii 60-KM u jira Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Afhayeenka Ciidamada Nabada Sugida dowlad Goboleedka jubaland Mudane Axmed maxamed maxamuud sayid carab oo maanta shir jaraa”id ku qabtay Gudaha Magaalada Kismaayo ayuu kaga hadlay duqeyn iyo weerar toos ahaa oo lagu qaaday Saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Deegaanka Cabdala Biroole.
Waxa uu sheegay Afhayeenka Ciidamada Nabada Sugida Jubba-land in weerarka lagu qaaday Saldhig al-shabaab ay ku leeyihiin Deegaanka Cabdala Biroole oo qiyaastii 60-KM u jira Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, in lagu dilay Saraakiil ka Tirsan Al-shabaab balse ay haatan ku mashquulsan yihiin helida xogtii ugu dambeysay dhawaana ay soo bandhigi dooni doonaa.

