Dhageyso:-Maamulka Jubba-land oo Sheegay in Weerar Qorshaysan Lagu Dilay Saraakiil ka Tirsan Xarakada Al-shabaab

0

Maamulka Jubba-land ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay duqeyn iyo weerar lagu qaaday saldhig Xarakada Al-shabaab ay ku leeyihiin  Deegaanka Cabdala Biroole oo qiyaastii 60-KM u jira Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Afhayeenka Ciidamada Nabada Sugida  dowlad Goboleedka jubaland  Mudane Axmed maxamed maxamuud sayid carab oo maanta shir jaraa”id ku qabtay Gudaha Magaalada Kismaayo  ayuu kaga  hadlay duqeyn iyo weerar toos ahaa oo lagu qaaday Saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Deegaanka Cabdala Biroole.

Waxa uu sheegay Afhayeenka Ciidamada Nabada Sugida   Jubba-land  in weerarka lagu qaaday Saldhig al-shabaab ay ku leeyihiin Deegaanka Cabdala Biroole oo qiyaastii 60-KM u jira Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, in lagu dilay Saraakiil ka Tirsan Al-shabaab balse ay haatan ku mashquulsan yihiin helida xogtii ugu dambeysay dhawaana ay soo bandhigi dooni doonaa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here