Madaxweynaha Jubba-land oo Shir Gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada Jubba-land+Sawirro

0

Kulanka Khamiislaha ahaa ee Golaha Xukuumada Jubbaland oo uu maanta Khamiis 18-08-2016 shir Gudoomiyay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam waxaa lagaga hadlay qodobo kala duwan oo ay kamid yihiin

Hindiso sharciyeedkii dhulalka ay dowladdu leedahay ee ay shacabku deganyihiin oo ay shaley baarlamaanku ansixiyeen.

Golaha Xukuumadu waxaa ay soo dhaweeyeen Ansixinta Golaha Baarlamaanku uu meel mariyay qodobkaas waxaana ay isku raaceen

In la sameeyo guddi wacyi galin oo dadka lahadla kahor inta aan lafulinin hindisahan iyadoo Xukuumadu ay sida ugu dhaw u samayn doonto gudigaas oo shaqadooda guda gali doona kahor kulanka soo socda ee Xukuumada

Wasaaradda Maaliyadda oo soo gudbisey miisaaniyadda 19ka wasaaradood iyo hay,adaha kale ee Dowladda .

Miisaaniyadii Hore ee ay meel mariyeen Baarlamaanka ayay Wasaaradda maaliyaddu ku dartay Wasaarado Cusub taas oo ka dhigaysa miisaaniyada 19 Wasaaradood oo kamid ah Xukuumada.

Wasaaradaha Madaxtooyada iyo amniga ayaa kaalmaha ugu horeeya kaga jira kala saraynta miisaaniyadda.

……………………DHAMAAD ……………………

13719646_714357268705177_8083505037973732982_o 13995458_714357215371849_8414803333936542771_o 14067945_714357168705187_5009758579450076423_o

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here