Dhageyso:- Siyaasiga Cabdi Waal oo Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ku Eedeeyay in uu Hagar Daamo ku Hayo Doorashada

0

Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi waal) oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaliyeed  oo la hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Soomaliya Michael Keating in uu  Hagar daamo  ku hayo Hanaanka Doorashooyinka Dalka.

Waxa uu Tilmaamay Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad Cabdi waal in sababa waqti kordhinta  loo sameeyay ay tahay in aan loo diyaar garoobin doorashooyinka dalka, islamarkaana wakiilka qaramada Midoobe ee soomaliya Michael Keating uu arrimahaas Mas’uul ka yahay.

“Muddo Kororsiga in uu meel maro waxaa sabab  u ah in aan loo diyaar Garoobin Hanaanka Doorashada ma jirto meel loo sameeyay Odoyaasha dhaqanka waxay haatan si km-ga ah ay u dagan yihiin dhul ay leeyihiin shacab Soomaliyeed oo ku yaala meel ku dhow Garoonka Muqdisho,  wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Soomaliya Michael Keating wuxuu Mas’uul ka yahay arrimaha dib u dhaca Doorashooyinka “ ayuu yiri Siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad Cabdi waal.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here