
3 qof ayaa ku dhimatay inta la xaqiijiayay qarax ka dhacay meel u dhow saldhig boolis koonfur barri dalka Turkey-ga.
Qaraxa oo la sheegay in uu ahaa mid aad u weyn ayaa ka dhacay saldhig Booliska dalka Turkigu ay leeyihiin oo ku yaala magaalada Elazig halkaa oo sidoo kale dhawr qof oo kale ay ku dhaawacmeen.
Warbaahinta dalka Turkiga ayaa hadalkaan baahisay saacado kadib markii gaari lagusoo raray Waxyaabaha Qarxa lagu qarxiyay gobol kale oo ku yaala isla dalkaas ay sedex qof ku dhinteen afartan kalana ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.
Muuqaal ay heshay wakaalad gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo Dogan news agency ayaa muujiyay qiiq aad u weyn oo kasoo baxaya goobta uu qaraxu ka dhacay.
Mana jirto cid illaa iyo hadda si rasmi ah u sheegatay in ay masuul ka aheed qaraxaas.
Mahmut Varol,ku xigeenka duqa magaalada Elazig, ayaa tilmaamay in qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa lagu soo raray islamarkaana ay gubteen baabuur u dhowaa halka uu qaraxu ka dhacay in kastoo oo uusan sheegin qasaaraha dhabta ah ee halkaas ka dhashay.
Qaraxyo iyo weeraro isdabajoog ah ayaa mudooyinkii u dambeeyay lagu weeraray ciidamada ammaanka ee dalka Turkiga kuwaas oo ay fulinayeen kooxda mucaaradka ah ee PKK tan iyo markii ay burburtay Xabadjoojintii u dhaxaysay labada dhinac sanadkii 2015kii.
