Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn ka dhacday Deegaanka Cabdala Biroole oo qiyaastii 60-KM u jira Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Duqeynta ayaa la sheegay in si wadajir ah u fuliyeen ciidamo Cadaan ah oo la sheegay inay Mareykan yihiin iyo ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo ay la socdaan kuwa ka Tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom gaar ahaan kuwa Kenya.
Howlgalkan oo dhacay shalay ayaa ciidamada Amisom iyo kuwa Somaliya waxa ay ku socdeen dhanka dhulka iyagoo wata gaadiid dagaal oo fara badan, halka Ciidamada Cadaankana ay wateen Diyaarado dagaal.
Saraakiil ka Tirsan Maamulka Jubba-land oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in duqeynta lala bartilmaameedsaday saraakiil ka Tirsan Xarakada al-shabaab oo ku sugnaa saldhig ku yaala Deegaanka Cabdala Biroole oo qiyaastii 60-KM u jirta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.
Dhanka kale Al Shabaab ayaa sheegay weerarkaasi inay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidamada Mareykanka, kadib markii ciidamada weerarka soo qaaday dagaal ay kula galeen duleedka Deegaanka Cabdala Biroole.

