Wasiirka Arrimaha Gudaha Odawaa oo Magaalada Cadaado kula Kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug+Sawirro

0

Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa Maanta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug  kula kulamay Madaxweyne ku xigeenka  Galmudug ahna ku simaha Madaxweynaha   Mudane Maxamed  Xaashi Cabdi Carabey.

Waxaa sidoo kale kulan ku wehlinayey  Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Benaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh, iyo siyaasiyiin kale.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay  arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin, Xalinta tabashooyinka bulshada, diyaargarowga doorashada, Wada hadalada Ahlu sunna iyo Galmudug, iyo dhismaha degmooyinka.

Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa maalintii sedexaad ku sugan Magaalada Cadaado ee Caasimada Kmg-ga Galmudug waxayna kulamo la qaateen Madaxda Galmudug iyo shacabka Magaaladaas.

DSCN4172 (1) DSCN4170-768x576 DSCN4160-768x576 DSCN4158-768x576 DSCN4178-768x576 DSCN4174-768x576 DSCN4172

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here