Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa Maanta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug kula kulamay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Xaashi Cabdi Carabey.
Waxaa sidoo kale kulan ku wehlinayey Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Benaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh, iyo siyaasiyiin kale.
Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin, Xalinta tabashooyinka bulshada, diyaargarowga doorashada, Wada hadalada Ahlu sunna iyo Galmudug, iyo dhismaha degmooyinka.
Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa maalintii sedexaad ku sugan Magaalada Cadaado ee Caasimada Kmg-ga Galmudug waxayna kulamo la qaateen Madaxda Galmudug iyo shacabka Magaaladaas.








